Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Blinken oo xasuuq ku eedeeyey Ruushka


Anthony Blinken
Anthony Blinken

Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa Axaddii si kulul u cambaareeyay Ruushka oo uu ku eedeeyay inay xasuuqyo dagaal ka geysteen dalka Ukraine.

Hadalka Blinken ayaa yimid ayada oo dunidu ay aragtay sawirradii ugu horreeyay ee meydadka dad u dhashay Ukraine oo lagu dilay wadooyinka magaalada Bucha ee duleedka caasimadda Kyiv halkaasi oo ay ciidamada Ruushku ka bexeen.

Wariyaha VOA Ken Bredemeier ayaa warbixintan diyaariyay, waxaana soo jeedinaya Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan.

Blinken oo xasuuq ku eedeeyey Ruushka
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:00 0:00

XS
SM
MD
LG