Washington —
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa markii ugu horreysay soo dhex galay mowduuca siyaasadeed ee xasaasgiga ah ee ka xiriira baaristii ay Hay’adda FBI-du dhawaan ku sameysay hoyga uu madaxweynihii hore Donald Trump ka degen yahay gobolka Florida.
Biden ayaa ugu yeeray hadallada kasoo yeeraya iyo weerarada ay xubnaha xisbiga Jamhuuriga ku hayaan hay’adaha sharciga ee federalka kuwo laga yaqyaqsoodo.
Wariyaha VOA-da arrimaha Aqalka Cad uga soo waranta Patsy Widakuswara ayaa warbixintan inoo soo diyaarisay. Cabdixakiim Maxamud Shirwac ayaa inoo soo jeedinaya.