Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bankiga Adduunka: Dhaqaalaha Kenya si xowli ayuu u kobci doonaa


Dhaqaalaha Kenya ayaa la filayaa inuu si xowli ah u kobocdo sanadkan, sida uu sheegay Bankiga Adduunka Arbacadii, saadaashaas oo ku qotonta dib u soo kabashada qaybta muhiimka ah ee beeraha.

Dhaqaalaha dalka Bariga Afrika waxa uu kobci doonaan 5.0% sannadka 2023" ayuu Bankiga Adduunku ku sheegay warbixintiisii u dambaysay ee sanadlaha ah ee Cusboonaysiinta Dhaqaalaha Kenya, taas oo kor u kacday 4.8% sannadkii hore.

Kadib abaar baahsan oo dhacday labadii sano ee lasoo dhaafay, oo meelo badan oo beeralayda ah saameysay ayaa hadda helay roobab ku filan bilihii lasoo dhaafay, kuwaas oo kor u qaadi kara wax soo saarka iyo hoos u dhigista cadaadiska sicir-bararka.

Si kastaba ha noqotee, saadaasha kobaca ayaa wajaheysa khataro dhowr ah, kuwaas oo ay ku jiraan qalelaase kale oo caalami ah oo waxyeelleeya dalabka dhoofka, sida uu sheegay Bankiga Adduunku.

Kenya ayaa sidoo kale la daalaa dhacaysa kor u kaca bixinta lacagaha deymaha ah ee dowladda, taasoo culeys ku keentay dhaqaalaha dowladda, balse qorayaasha warbixinta ayaa sheegay inay rajeynayaan inay si wanaagsan u dhacdo bixinta deyntu.

Reuters

Madal

XS
SM
MD
LG