Beledweyne —
Boqollaal beeralay ah oo ku midaysan Iskaashatada AARAN ayaa wax soo saarkooda kusoo bandhigay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Beeraleydan oo ku nool waqooyiga Baledweyne ayaa sheegay inta badan waxa ay soo saaraan lagu isticmaalo gudaha Baledweyne oo aanay meel kale u iibgeynin.
Bandhiggan waxaa ka qaybgalay Beeraley tiradoodu gaareyso 289 xubnood oo beeralay ah.
Cabdullaahi Cali Faarax oo ah guddoomiye ku xigeenka Iskaashatada Beeraleyda AARAN ayaa wariyaha VOA ee Baledweyne Xuseen Xasan Dhaqane uga waramay ujeedada Bandhigoodan iyo wax yaabaha ay soo saaraan.