Nairobi —
Xildhibaanada Baarlamaanka dalka Kenya ayaa maanta ansixiyay Golaha wasiirada cusub ee uu dhowaan soo magacaabay Madaxweyne William Ruto.
Ansixinta wasiirada cusub ee ayaa imaanaysa xilli qaar ka mid ah wasiiradu ay maalintii shalay diidmo kala kulmeen guddiga turxaanbixina baarlamaanka, inkastoo ay maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen xildhibaanada.
Haddaba maxay tahay waajibaadka iyo shaqooyinka horyaalla Golaha Wasiirada cusub. Warbixintan waxaa Nairobi kasoo diray Khadar Maxamud Xareed.