Jigjiga —
Askari ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa lagu xukumay dil kadib markii bishii Oktoobar 25-keedii uu toogasho ku dilay Juweeriya Subcis oo ka tirsanayd baarlamaanka gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Xukunkan oo galabta dhacay waxaa idaacadda VOA u xaqiijiyey Maxamed Deeq Ibraahim oo ka tirsan xafiiska caddaaladda ee dawlad degaanka. Xukunkan waxaa ridday maxkamadda sare ee gobolka.
Juweeriya Subcis ayaa ku dhimatay rasaasta uu riday askarigaas xilli ay ku suganayd garoonka diyaaradaha ee Jigjiga, waxaana ku dhaawacmay laba qof oo kale.
Ma cadda xilliga askarigan lagu fulin doono xukunka. Sidoo kale ma cadda in askariga la xukumay uu racfaan ka qaadan doono xukunka.