Washington —
Arrintan dhaqaalaha Maraykanku waa mid ka mid ah arrimaha ugu waaweyn ee cod-bixiyeyaasha Maraykanku ay isha ku hayaan tartanka madaxtinimo ee u dhexeeya Joe Biden iyo Donald Trump.
Biden ayaa toddobaadkan ku ololeeyey maalgalinta teknoolojiyadda. Dhinaciisa, Trump ayaa sheegay inuu ka noqon doono qorshihii Biden oo lagu maal-galinayey dhismaha kaabayaasha dhaqaale, isla markaana uu xoojin doono qodista saliidda ceyriin.
Wariyaha VOA-da Scott Stearn ayaa warbixinta diyaariyey. Maxamed Cabdi Sandheere ayaa soo jeedinaya.
Madal