Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Amuuraha Islaamka & Madaahibta Islaamka


Barnaamijka Amuuraha Islaamka, waxaan toddobaadkan kusoo qaadaneynaa kaalinta iyo taariikhda ay leeyihiin madaahibta afarta ah ee ay kala raacsan yihiin Muslimiinta Sunniga ah ee caalamka.

Barnaamijka Amuuraha Islaamka, waxaan toddobaadkan kusoo qaadaneynaa kaalinta iyo taariikhda ay leeyihiin madaahibta afarta ah ee ay kala raacsan yihiin Muslimiinta Sunniga ah ee caalamka.

Madaahibta Shaaficiyada, Xanbaliyada, Xanafiyada iyo Maalikiyada, oo ah afarta madhab ee ay Muslimiinta Sunniga ah ku kala abtirsadaan, ayaa mararka qaarkood dadku u fasirtaan inay yihiin waajib diini ah, oo qofka Muslimka ah uusan Alle u cibaadeysan karin, haddii uusan mid kamid ah madaahibtaas soo marin, sida uu qabo Dr. Max’ed Maxamud Max’ed, oo kamid ah culimada Soomaalida fara ku tiriska ah ee shahaadada PhD-da kasoo qaatay Jaamacadda weyn ee Al-Azhar ee dalka Masar, haddana macallin ka ah Jaamacad Islaami ah oo ku taalla gobolka Minnesota ee dalkan Mareykanka.

Dr. Max’ed waxaan weydiiyey bal inuu si kooban u sharroxo taariikhda ay madaahibtan afarta ah, iyo culimadii laga soo gaaray-ba ay ku leeyihiin taariikhda Islaamka.

Qaar badan oo kamid ah culimada Muslimiinta ayaa isweydiinaya sababta keentay in afar kamid ah culimada Islaamka, oo inkastoo ay aqoon iyo aragti baaxad weyn isku darsadeen, haddana aan marnaba aheyn culimada ugu cilmiga badan ee soo marta soo-jireenka Islaamka, sababta ay xertoodii u askumeen madaahib waaweyn, oo xitaa mararka qaarkood si khalad ah loogu fasirtay inay iyagoo diinta Alle wakiil ka yihiin.

Tusaale ahaan, culimo fara badan ayaa qaba in Shaaficinimada Soomaalidu ay tahay mid aan waxba ku jabneyn, balse inaysan khasab ku aheyn qofka Soomaaliga ah inuu madhabta Shaaficiyada kamid noqdo, si uu Alle u caabudo. Taas waxay keeni kartaa bay leeyihiin culimada in qofku uu mararka qaarkood si indha la’aan ah u raaco fasir khaldan oo laga yaabo in madhabka uu raacsan yahay uu ka bixiyo mas’alo gaar ah.

Dr. Max’ed ayaan weydiiyey in imaamyadii loogu magaca daray afarta madhab ay u qasdeen in cilmigooda madhab loo rogo iyo inkale.

Intaas-na waxaan nooga dhan barnaamijka Amuuraha Islaamka ee toddobaadka. Inta aan barnaamijkan oo kale isku maqleyno, toddobaadka xiga, waxaan idin leenahay Jimco wanaagsan.

XS
SM
MD
LG