Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aljazeera oo dacwad ka dhan ah Israa'iil u gudbisay maxkamadda ICC


PALESTINIANS-ISRAEL/QATAR-ALJAZEERA JOURNALIST KILLED

Telefishinka Aljazeera ayaa Talaadadii sheegay inay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada u gudbisay dacwad ka dhan ah ciidamada Israa’iil oo ku saabsan dilka weriye Shireen Abu Akleh, oo lagu toogtay weerar ay Israa’iil ku qaadday Daanta Galbeed bishii May.

Aljazeera ayaa sheegtay in Dacwadan ay daba socotay baaritaan ay sameeyeen kooxda qareennada ee shabakada wararka ee telefishinka Aljazeera.

"ICC waa inay caddeysaa shaqsiyaadka sida tooska ah ugu lug lahaa dilka Abu Akleh" ayuu yiri qareenka Aljazeera Rodney Dixon KC oo shir jaraa’id ku sheegay Talaadadii magaalada Hague.

"Go'aannada Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa dhigaya in kuwa mas'uulka ka ah la baaro oo lala xisaabtamo, haddii kale, waxay qaadaan mas'uuliyadda la mid ah sidii kuwii rasaasta furay," ayuu yiri Dixon.

Marxaladda ku xeeran dilka Abu Akleh ayaa lagu muransan yahay.

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Yair Lapid ayaa Talaadadii sheegay in cidina aysan su'aalo weydiin doonin askarta Israa'iil.

"Qofna wax su'aalo ah ma weydiin doono askarta Israel, qofna naguma wacdiyi doono akhlaaqda dagaalka, hubaal ma ahan shabakadda Al Jazeera," ayuu yiri Lapid.

Reuters.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG