Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Qaacida oo wajaheysa khilaaf la xiriira doorashada hoggaanka kadib dilkii al-Zawahiri


Dilka hoggaamiyihii Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri ee duqeynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ma saameyn doonto howlgallada kooxaha argagixsada ee xiriirka la leh ee dunida, balse waxay fureysaa dariiqa loo maro hannaan kala horreynta dhanka hoggaanka oo ah mid dhib badan.

Jihaad-doonkii u dhashay Masar oo Maraykanku sheegay in lagu dilay goob dhuumaalaysi oo ku taalla caasimadda Afghanistan ee Kabul, waligiisna iskuma deyin in uu ku celceliyo soo jiidashada iyo saamaynta uu ku leeyahay hoggaamiyihii ka horreeyey ee Usama Bin Laden, oo ahaa maskaxdii ka dambaysay weerarradii Mareykanka lagu qaaday 11-kii September, 2001-dii. .

Laakiin kadib markii ciidamada gaarka ah ee Maraykanku ay ku dileen Pakistan bin Laden 2011, wuxuu door muhiim ah ka ciyaaray dhiirigelinta maamul daadejinta kooxda, taas oo keentay in Al-Qaacida ay ka soo baxaan dunida oo dhan.

Waxaa ka mid ah Al-Shabaab oo weli gacanta ku haysa qaybo badan oo miyiga Soomaaliya ah, JNIM oo ka hawlgasha Galbeedka Afrika - gaar ahaan Mali, iyo laanta Al-Qaacidada ee AQIS oo ah mitidiin ujeedkoodu yahay inay la dagaallamaan dowlada Pakistan, Afghanistan, India, Myanmar iyo Bangaladesh.

"Wuxuu (al-Zawahiri) aqbalay xubno cusub oo muhiim ah oo ka tirsan shabakadda al-Qaacida," ayuu yiri Hans-Jakob Schindler, oo ah agaasimaha mashruuca aan dowliga aheyn ee ka hortagga xagjirnimada, horena u soo noqday la taliye ka tirsan Qaramada Midoobay, isaga oo sii raaciyay, "Marka waa dharbaaxo ku dhacday al-Qaacida, Laakiin tani ma joojinayso wax ay qorsheeyeen xulafada al-Qaacida."

-'Qeyb ka mid ah loolanka'-

Xubnaha ay u badan tahay in ay beddelaan al-Zawahiri waxaa ku jira laba kale oo Masaari ah, sida ay AFP kasoo xigatay falanqeeyeyaasha, waxaana dadka tartamaya ka mid ah Saif al-Adel, oo hore u ahaan Gaashaanle Sare oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Masar, isla markaana ka mid ahaa ilaaladii hore ee al-Qaacida, kaas oo la sheegay inuu ku sugan yahay dalka Iran.

Mas’uuliyiinta Shiicada ah ee ka taliya Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa si rasmi ah uga soo horjeeda Sunniga Al-Qaacida, balse mucaaradku waxay marar badan ku eedeeyeen Iran inay gacan saar la leedahay shabakaddan oo ay gabaad nabdoon siiso hoggaamiyeyaasheeda.

Sidoo kale waxaa tartanka ku jira Abuu C/kariim Al-Masri oo ka tirsan hoggaanka Jabhadda Jihaadiga ah ee Xurras Al-diin oo la rumeysan yahay in uu ku sugan yahay dalka Suuriya.

"al-Zawahiri kuma lug lahayn go'aan gaarista maalinlaha ah ee kooxaha xiriirka la leh Al-qaacida, laakin waxaad u baahan tahay qof madax ah, lehna muhiimad gaar ah, sababtoo ah dhammaan madaxda kooxaha xiriirka la leh Al-qaacida waa inay u dhaartaan daacadnimada shakhsi ahaaneed, sidaa darteen bedelkiisa waxay noqon doonta nooc caqabad ah," ayuu yiri Schindler.

Rita Katz, oo ah agaasimaha iyo aasaasaha kooxda sirdoonka ee SITE, ayaa sheegtay in dhaxalka hoggaanka al-Qaacida ay tahay "su'aasha ugu weyn ee taagan" kadib dilkii al-Zawahiri.

“Si ka duwan xaaladda dilkii Usama Bin Laden kadib, qaar badan oo ka mid ah hogaamiyayaasheeda waxay u guureen Suuriya, halkaas oo qaar badan lagu dilay,” ayay tiri.

-'Keydka hoggaanka Al-Qaacidda ee sii yaraanaya'-

Adel waxa uu ku biiray kooxda Jihaadka ee Masar sannadihii 1980-aadkii. Waa la xiray, laakiin markii dambe waa lasii daayay, wuxuuna u safray Afghanistan si uu ugu biiro Al-Qaacidada hoos timaada Zawahiri.

Raadinta ku saabsan xiriirka Tehran ee lagu eedeeyay Al-Qaacida ayaa sii xoogeystay bishii Ogosto 2020 kadib dilkii Abdullah Ahmad Abdullah, oo ahaa hoggaamiyaha labaad ee kooxda Al-Zawahiri oo magaciisa afgarashada ah uu ahaa Abdullah Ahmad Cabdullaahi Al-Masar oo lagu dilay magaalada Tehran, kaas oo dilkiisa lala xiriiray mukhaabaraadka Isreal.

Dilkan ayaa keenay in xoghayihii arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo uu ku andacoodo -- toddobaad uun ka hor inta uusan madaxweynahiisa Donald Trump ka tagin xafiiska -- in Iran ay tahay "Afghanistanta cusub" ee xagjiriinta Al-Qaacida, hadalkaas oo falanqeeyeyaashu shaki ka muujiyeen.

Xarunta Soufan, oo ah hay'ad cilmi-baaris amni oo fadhigeedu yahay Mareykanka, ayaa sheegtay in dilka tiro ka mid saraakiisha sar sare ee Al-Qaacida sanadihii la soo dhaafay ay ka dhigtay in shabakad "kursgeeda keydka ee bedelka hoggaamiyeyaasha uu sii yaraanayo".

Waxay xaruntani tiri "joogitaanka dheer ee Adel ee Iran-ta Shiicada ayay u badan tahay in laga yaabo inay waxyeelleyso musharaxnimadiisa goobo gaar ah."

Horjoogeyaasha da'da yar ee Al-Qaacida ayaa laga yaabaa inay door bidaan shaqsi la mid ah Masri oo Suuriya jooga. "wuxuu si bareer ah uga shaqeeyay inuu xiriir la yeesho dadka la shaqaaleysiin karo oo diiradda saaraya bartilmaameedyada maxalliga ah iyo dhiirigelinta kuwa aragtidoodu gaaban tahay ee jooga gobollada ay hareeyeen dagaallada sokeeye iyo kacdoonka".

"Doorashada hoggaamiyaha xiga ee Al-Qaacida waxay wax badan ka sheegi doontaa qorshaha mustaqbalka ee ururka," ayaa tiri xarunta cilmi-baarista amniga ee Soufan.

AFP

XS
SM
MD
LG