Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afwerki oo 'khiyaali' ugu yeeray eedaha tacaddiyo ee gobolka Tigray


Isaias Afwerki
Isaias Afwerki

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa maanta sheegay inay “khiyaali” yihiin eedeymaha ku saabsan in ciidamada Eritrea ay xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah ka gaysteen gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, intii uu dagaalka ka socday labada sano.

“Tani waa khiyaaliga maskaxda kuwa ku dhex jira warshadda… waxaan warshad ugu yeeraa abuurista macluumaadka khaldan,” ayuu Afwerki u sheegay weriyayaasha isaga oo ku guda jira booqasho uu ku joogo dalka Kenya, iskana leexinaya su’aalaha ku saabsan joogitaanka ciidamada Eritrea ee Ethiopia.

Ciidamada Eritrea ayaa taageeray kuwa Ethiopia intii uu socday dagaalkii ay dowladda federaalka la gashay kooxda TPLF, waxaana Mareykanka iyo kooxaha xuquuqda aadanaha ay ku eedeeyeen inay gaysteen tacaddiyadii ugu xumaa.

Dagaalka ayaa ku dhammaaday heshiis nabadeed oo la saxiixay bishii November ee sanadkii tegay, balse Eritrea qeyb kama ahayn heshiiska.

Mar la weydiiyey joogitaanka ciidamada Eritrea ee Tigray, Afwerki wuxuu yiri “wax qorshe ah kama lihi inaan faro-geliyo arrinta inkasta oo uu jiro ololaha macluumaadka khaldan ee socda ee lagu carqaladeynayo hanaanka nabadeed ee Ethiopia, islamarkaana dagaalka looga dhex abuurayo Eritrea iyo Ethiopia.”

“Ha ka dhigan Eritrea marmarsiyada dhibaatooyinka ka jira Ethiopia ama meelaha kale ee gobolka oo dhan, ha isku dayin inaad xaalad nagu soo jiiddo, waa khiyaaliga kuwa doonaya inay marin habaabiyaan geedi-socod kasta oo nabadeed si loo gaaro hadafkeeda," ayuu ku daray.

Eritrea, oo ah mid ka mid ah dalalka ugu kali-taliska adag caalamka, ayaa waxaa cunaqabateyn kusoo rogay Mareykanka 2021 kadib go’aankii ay ciidamo ugu dirtay Tigray si ay u taageeraan Ethiopia, waxaana lagu eedeeyay inay xasuuqday boqolaal rayid ah.

AFP

XS
SM
MD
LG