Tunis —
Natiijo hordhac ah oo kasoo baxday aftidii loo qaaday wax ka baddalka dastuurka dalka Tunisia ayaa muujinsay in loogu codeeyay haa, hase yeeshee dadkii soo baxay ayaa ahaa kuwi ugu yaraa marka loo eego doorashooyinki dhawaa.
Dadka u dhaq-dhaqaaqa dimoqraadiyadda ayaa ka walwalsan in madaxweyne Qeys Saciid uu awoodda dalka kaligiis isku koobo, taasoo soo celin karta nidaamki ka-litaliski Tunisia ee dhacay kacdoonkii 2011-kii.
Warbixintaan waxaa Qaahira kasoo diray, Xuseyn Saxnuuni.