Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afti Dadweyne Oo Ka Dhaceysa Rwanda


Paul Kagame
Paul Kagame

Aftidan ayaa madaxweyne Paul Kagame u ogolaan doonta inuu saddex goor oo kale isku sharxo madaxweynaha dalkaas.

Dadka Rwanda ayaa maanta u dareeray goobaha cod bixinta si ay ugu codeeyaan afti is-beddel ku sameyn doonta dastuurka una ogolaan doonta madaxweyne Paul Kagame inu ugu yaraan 3 goor oo kale isku sharxo madaxweyne-nimo.

Codbixinta maanta dhaceysa ayaa waxa ay dalbaneysaa ansixin ku saabsan isbeddel waqtiga xilka madaxweynaha kusoo gaabineysa 5 sano, ayada oo iminka ay tahay 7 sano.

Hase yeeshee is-beddelkan ayaa waxa uu si gaar ah ugu ogolaanayaa madaxweyne Kagame inuu mar saddexaad xilka qabto muddo toddobo sano ah, kadibna laba goor oo kale oo min shan sano ah.

Sharciga iminka ka jira Rwanda, ayaa qasab ka dhigaya in Kagame uu xilka ka dego dhammaadka sanadda 2017. Haddii aftida la ansixyo, sida la filayo, islamarkaana Kagame uu doorashooyinka soo socda ku wada guuleysto waxa uu xukunka sii hayn karaa illaa sanadda 2034.

Dadka Rwanda ee ku nool dalka dibeddiisa ayaa aftida u codeeyey khamiistii.
Kagame oo 58 jir ah, kana soo jeeda qowmiyadda Tutsi-ga, ayaa hoggaaminayey ciidamadii mucaaradka ee soo afjaray xasuuqii Rwanda ka dhacay 1994-kii, islamarkaana xukunka ka tuuray xagjiriintii Hutu-ga.

Kagama ayaa waxa uu ahaa madaxweyne ku xigeen iyo wasiirka gaashaandhigga inta u dhaxeysay 1994-kii ilaa 2000, markaasi oo dalka uu madaxweyne ka ahaa Pasteur Bizimungu. Waxa uu madaxweyne noqday sanaddii 2000 kadib is-casilaaddii Bizimungu.

Si aad ah aay looga jecel yahay gudaha dalka Rwanda, hase yeeshee kuwa dhalleeceeya ayaa ku eedeynaya inuu caburiyo xoriyadda hadalka, uusanna wax dul qaad ah u lahayn in la mucaarado.

Mareykanka iyo midowga Yurub ayaa waxa ay taxaddar ka muujiyeen in u ogolaanshaha Kagame inuu xukunka sii hayo ay waxyeeleyn karto dimuqraadiyadda.

Waaxda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa bishii tagtay sheegtay in Kagama ay tahay inuu xilka kaga dego sidii qorshuhu ahaa, si taasi ay u caawiso soo bixitaanka hogaamiyayaal cusub oo Rwanda ay yeelato.

Afhayeenka waaxada arrimaha dibedda Mareykanka ee hadalka sheegay, Mark Toner, ma uusan shaacin tallaabooyinka Mareykanka uu qaadi doono, haddii Kagame uu isku dayo inuu xukunka sii hayo.

Dadaallada hogaamiyayaal badan oo Afrikan ah ay ku doonayeen inay xukunka ku dheereystaan sida dalalka Burkina Faso, Burundi iyo Senegal ayaa horseeday rabshado uu dhiig ku daatay.

XS
SM
MD
LG