Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afhayeenka Congress-ka Maraykanka oo booqasho ku tagtay Ukraine


Afhayeenka Aqalka Wakiillada Maraykanka oo booqasho ku joogta Kyiv
Afhayeenka Aqalka Wakiillada Maraykanka oo booqasho ku joogta Kyiv

KYIV - Afhayeenka aqalka wakiillada ee Maraykanka Nancy Pelosi ayaa booqatay caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv halkaas oo ay kula kulantay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy, waana mid ka mida tallaabooyinka diblomaasiyadeed ee Maraykanku ay taageerada ugu muujinayaan dalka Ukraine oo uu ka socdo dagaal ay kula jiraan ciidamada Ruushka.

Muuqaal uu madaxweynaha Ukraine soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa muujinayey, madaxweynaha oo ku sugan barxadda hore ee xafiiskiisa oo ay hareer taagan yihiin ciidamo hubaysan oo sugaya ammaanka, isla markaana soo dhoweynaya weftiga ka socday aqalka wakiillada ee Maraykanka ee ay hoggaaminaysay Nancy Pelosi.

Nancy Pelosi ayaa noqonaysa sarkaalkii ugu sarreeyey ee ka socda dawladda Maraykanka ee booqasho ku tagta dalka Ukraine, xilli maamulka madaxweyne Biden uu codsaday in illaa $33 billion oo dollar loo ansixiyo si loogu taageero dalka Ukraine.

XS
SM
MD
LG