Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Abiy Axmed oo sheegay in Itoobiya aysan dagaal iyo xoog ku raadineyn dekad, dhul-badeed


Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa Khamiistii ku adkaystay in Itoobiya aysan ku duuli doonin dal kale ama aysan danaheeda ku fulin doonin "dagaal" kadib markii hadallo uu horay u sheegay oo ku saabsan raadinta marinka Badda Cas ay walaac ka abuureen gobolka.

"Waxaa jirta cabsi laga qabo in Itoobiya ay duullaan qaaddo kadib dalabkeenii xoogganaa ee dhawaanahan ee ahaa inaan helno bad," ayuu Abiy u sheegay kumannaan askari oo ku sugan Addis Ababa oo ka qaybgalayay dhoola-tus lagu xusayay maalinta ciidamada Qaranka.

Waxa uu intaasi ku daray “Waxaan rabaa in aan carrabka ku adkeeyo in Itoobiya aysan ku raadin doonin in ay danaheeda dagaal ku gaarto, waxaa naga go’an in danta guud lagu gaaro wadahadal iyo gorgortan."

Khudbad uu ka jeediyay taleefishinka 13-kii Oktoobar, Abiy Axmed wuxuu ku sheegay in Itoobiya oo aan bad lahayn ay tahay "dal jiritaankiisu ku xiran yahay badda cas," marin biyoodka weyn ee ganacsiga caalamiga ah.

Waxa uu sheegay in Itoobiya ay u baahan tahay inay hesho deked, isagoo intaas ku daray: “Haddii aan qorsheyno in aan nabad ku wada noolaanno, waa in la helaa qaab aan wax ku qeybsanno si dheellitiran”.

Hadalladaas waxa ay walaac ku abuureen dalalka deriska ah, gaar ahaan ee Eritrea oo leh xeeb dheer, waxayna wasaaradda warfaafinta Eritrea oo ku raadjoogta hadalka Abiy ay bayaan ku tilmaantay in"hadallada" gelitaanka badda ay yihin waxa ay ugu yeertay kuwa " xad-dhaaf ah ".

Dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika oo ay ku nool yihiin 120 milyan oo qof, ayaa dhaqaalaha Itoobiya waxa uu noqday mid xaddidan.

Itoobiya waxay lumisay xeebteeda kadib markii Eritrea ay ka go'day Addis Ababa oo ay si rasmi ah ugu dhawaaqday madaxbannaanida sannadkii 1993 kadib dagaal saddex iyo toban sano socday.

AFP.

Madal

XS
SM
MD
LG