Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Abiy Axmed oo sheegay inuu wadahadal la furayo Jabhadda OLA


Abiy Ahmed Ali
Abiy Ahmed Ali

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya ayaa Talaadadii sheegay in maamulkiisu uu isku dayayo inuu wadahadal la yeesho 'jabhad sharci-darro ah' oo inta badan ka hawlgasha gobolka Oromiya.

Hadalka Abiy Axmed uu u jeediyay xildhibaannada ee ku saabsan inuu xiriir la sameeyo ciidanka Xoreynta Oromada (OLA) ayaa yimid iyadoo ay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu soo celceliyo geeddi-socod nabadeed oo bishii November la gaaray colaadda ka taagneed waqooyiga gobolka Tigray, si loo soo afjaro dagaalka.

"Dawladdu waxay danaynaysaa in khilaafka (OLA) lagu xalliyo hab nabadeed. Dan kaliya ma ahan, ee sidoo kale waxaa la dhisay guddi loo xil saaray inay hormuud ka noqdaan geeddi-socodka nabadda, in ka badan 10 isku day iyo xiriir ayaa lala sameeyay (OLA).” ayuu yiri Abiy, isagoo intaas ku daray inuu rajeynayo in Itoobiyaanku ay taageeraan geeddi-socodka nabadda.

Afhayeen u hadlay jabhadda oo la yiraahdo Odaa Tarbii ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in hadalka ra'iisul wasaaraha uu yahay "mid yimid wakhti aan munaasib aheyn oo xaqiiqada aan waafaqsanayn" waxaana uu intaas ku daray in "10-ka isku day ee uu soo hadal qaaday aysan ahayn isku dayo dhab ah oo uu kula xiriiray hoggaanka OLA."

Ururka OLA ayaa lagu daray liiska argagixisada ee dalka Itoobiya waxayna dawladdu ku eedaysay inay xasuuq ba’an u gaysato qoomiyadaha laga tirada badan yahay, gaar ahaan Axmaarada, ee ku dhaqan gobolka Oromia oo ah kan ugu wayn maamul goboleedyada dalka.

AP

XS
SM
MD
LG