Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aabe saddexdiisa gabdhood ku dilay dalka Faransiiska


Aabe ku nool dalka Faransiiska ayaa Axaddii qirtay inuu dilay saddex gabdhood oo uu dhalay, wuxuuna isku dhiibay booliska, waxaa sidaas sheegay ilo-wareedyo ka tirsan dacwad oogayaasha iyo booliska.

Ninkan oo 41 jir ah, ayaa tegay saldhigga booliska ee magaalo xeebeedka waqooyi ee Dieppe “si uu u sheego inuu dilay saddexdiisa caruur,” waxaa sidaas yiri dacwad oogaha magaalada.

Booliska ayaa sheegay inay meydka saddexda gabdhood ka heleen gurigiisa magaalada Alfortville, oo ku taalla duleedka koonfurta bari ee magaalada Paris.

Laba ka mid ah caruurta ayaa mindi lagu dilay, sida ay sheegeen booliska. Waxaa la helay ayaga oo dedan, halka midka saddexaadna uu meydkiisa dul saarnaa kursiga fadhiga, sida ay muujinayso natiijada hore ee baaritaanka.

Aabaha ayaa 2021-kii lagu helay dambi rabshadeyn qoys, ayuu yiri qof ku dhow kiiska. Waxaa la soo saaray amar u diidaya inuu u dhowaado qoyskiisa, balse markii dambe waa laga qaaday.

Ninkan ayaa la dhigay xabsiga booliska, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha.

AFP

Madal

XS
SM
MD
LG