Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aabe dilay saddexdiisa gabdhood, qof kale iyo naftiisa


California Shooting
California Shooting

Nin ayaa dilay saddex gabdhood oo uu dhalay, qof korjooge ka ahaa caruurta iyo naftiisa intii lagu guda jiray booqasho uu Isniintii ugu tegay gabdhihiisa, magaalada Sacramento ee gobolka California ee Mareykanka.

Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in loogu yeeray xabado dhacay abaare 5:00pm ee Isniinti, kadibna ay u tageen shan qof oo meyd ah oo uu ku jiro qofka toogashada fuliyey.

Falkan ayaa ka dhacay kaniisad ku taalla xaafadda Arden-Arcade, sida uu sheegay Rod Grassmann oo ka tirsan booliska Sacramento.

Ninka toogashado fuliyey ayaa waxay kala noolaayeen hooyada dhashay gabdhaha, taasi oo haysatay amar ka fogaansho oo ka dhan ah, sida uu sheegay Sheriff Scott Jones oo ka tirsan booliska Sacramento.

Dambi-baarayaasha ayaa rumeysan in toogashada ay dhacday intii lagu guda jiray booqasho korjoog laga ahaa oo aabaha wax dilay uu ugu tegay caruurta. Dhibanaha afaraad ayaa ahaa qofkii korjoogaha ahaa, sida uu sheegay Jones.

Magaca qofka fuliyey toogashada ayaan weli la shaacin, balse saraakiisha ayaa sheegay inuu ahaa 39 jir.

Shaqaale ka tirsan kaniisadda uu falkan ka dhacay ayaa wacay number-ka xaalada deg degga ee 911, sida uu sheegay Grassmann.

Barasaabka gobolka California, Gavin Newsom ayaa sheegay in xafiiska uu la shaqyenayo sharci-fuliyayaasha.

“Ficil kale oo ah rabshad hub oo aan macno laheyn ayaa ka dhacay America – Markan waa daaraddeena. Waa kaniisad ay caruur ku dhex-jireen. Waa wax aad looga naxo dhab ahaantii,” ayuu Newsom kusoo qoray twitter.

AP

XS
SM
MD
LG