Jigjiga —
Xilligan, geyiga Dawlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya waxaa lagu jiraa xilliga jiilaalka, iyadoo goobo badan ay ka jirto biyo la’aan.
Wasiirka Xafiiska Maareynta Khataraha Masiibooyinka ee Dawlad Deegaanka Soomaalida, Axmed Yaasiin Sheekh Ibraahim, ayaa sheegay in biyo la’aan ka jirto 55 degmo oo ka mid ah deegaanka, taasoo saameyn ku yeelatay ku dhawaad 1.9 milyan oo qof.
Wariyaha VOA ee magaalada Jigjiga, Maxamed Cabdiraxmaan Gaataa, oo waraystay wasiirka, ayaa ugu horrayn weydiiyey inuu sawir guud ka bixiyo xaaladda hadda taagan.
Madal