Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ururka ONLF oo isku khilaafay heshiiska Itoobiya


ONLF
ONLF

Kowdii bishan March, Ururka ONLF ayaa soo saaray war-murtiyeed ay ku sheegeen in dowladda Itoobiya ay ka baxday heshiiskii ay la gashay ururkooda 2018-kii.

Garab sheegtay inay ka mid yihiin ururka ONLF ayaa maalintii Talaadada shir jaraa’id oo ay arrintaas ku beeninayaan ku qabtay magaalada Jigjiga, iyagoo soo saaray go’aan ay ku diiddan yihiin arrimahaas.

Haddaba, Muxumed Sheekh Badri, oo ah hoggaanka arrimaha ururka Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya, ayaa wariyaha Jigjiga Maxamed Cabdiraxmaan Ugaas Gaataa uga warramay shirkaasi ay qabteen.

Wareysiga Muxumed Sheekh Badri
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:04 0:00

Dhinaca kale, afhayeenka ururka ONLF, Caddaani Hirmooge, ayaa ka jawaabay diidamada garabka ku shiray Jigjiga, isagoo faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii keenay inuu burburro heshiiska ay la galeen dowladda Itoobiya.

Caddaani ayaa dhinaca kale ka hadlay xubnaha ku shiray Jigjiga, oo ku tilmaamay inay biireen siyaasad ahaan maamulka deegaanka, laakiin laga dhigayo ONLF.

Haddaba, wariyaha VOA-da Cabdulqaadir Maxamed Mursal Samakaab, oo khadka telefoonka kula xiriiray, ayaa marka hore weydiiyay heshiiska ay sheegeen inuu burburay iyo xubnaha ururkooda ee kasoo horjeestay.

Wareysiha Caddaani Hirmooge
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:33 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG