Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israa’iil oo duqeysay Koonfrurta Suuriya

Israel Syria
Israel Syria

Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqeeyay magaalo ku taal koonfurta caasimadda Suuriya, iyo sidoo kale gobolka koonfureed ee Darcaa goor dambe oo Talaadadii ah, sida ay sheegeen dadka deegaanka, ilo-wareedyo dhanka amniga ah iyo TV-ga maxalliga ah ee Suuriya.

Diyaaradaha Israa'iil ayaa duqeeyay magaalada Kisweh, oo qiyaastii 20 kiiloomitir u jirta koonfurta Dimishiq, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu. Laamaha ammaanka ayaa sheegay in la beegsaday goob ciidan, iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin.

Milateriga Israa’iil ayaa bayaan ay soo saareen mar dambe ku sheegay inay weerareen bartilmaameedyo militari oo ku yaalla koonfurta Suuriya, kuwaas oo ay ku jiraan xarumo iyo goobo ay ku sheegeen in uu hub yaallay.

Hadal uu soo saaray afhayeenka wasiirka difaaca, Israel Katz, ayaa lagu sheegay in ciidamada cirka ay si xoog leh u weerarayaan koonfurta Suuriya, taas oo qayb ka ah siyaasadda cusub ee ay qeexeen ee lagu nabadeynayo koonfurta Suuriya, fariintuna ay cadahay iyagoo aan dooneyn in koonfurta Suuriya ay noqoto sida koonfurta Lubnaan.

Madal

XS
SM
MD
LG