Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa Talaadadii sheegay in dad ka badan 50 qof ay u dhinteen toddobaadyadii la soo dhaafay, kaddib kiisas xanuunno aan la garanayn oo ka dillaacay waqooyi-galbeed ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
Laga soo bilaabo bishan Febraayo 16-keedii, waxaa la diiwaangeliyay 431 xaaladood iyo 53 dhimasho ah oo ka dhashay laba cudur oo ka dillaacay tuulooyin fog-fog oo ku yaalla gobolka Equateur, sida ay WHO ku sheegtay war-saxaafadeed. Hay’addu waxay sheegtay inay baarayso cudurradan.
Afhayeenka WHO, Tarik Jasarevic, ayaa Talaadadii sheegay in cudurradan dillaacay, oo aan weli la garanayn sababtooda, ay kiisaskoodu si xawli ah u kordhayaan maalmo gudahood, taas oo khatar weyn ku ah caafimaadka bulshada.
WHO ayaa sheegtay in cudurradan lagu garto astaamaha ay ka mid yihiin qandho, xanuun, matag iyo shuban.
Cudurradan ayaa imanaya xilli qeybo ka mid ah Congo ay ka jiraan colaado sokeeye oo uu dhiig badani ku daatay. Colaadda ayaa xooggeeda ka jirta dhanka bari ee Congo.
Madal