Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kash Patel oo loo ansixiyey hogaaminta hay'adda FBI


Agaasimaha cusub ee Hay’adda Sirdoonka Gudaha Maraykanka ee FBI, Kash Patel, ayaa la filayaa in, sidoo kale, loo magacaabo Ku-simaha Madaxa Hay’adda Maamulka Khamriga, Tubaakada, Hubka iyo Qaraxyada (ATF) ee Maraykanka, sida uu sheegay mas’uul ka tirsan Waaxda Caddaaladda, Sabtidii shalay.

Mas’uulkan ayaa sheegay in Patel la dhaarin karo toddobaadka soo socda, taasoo ka dhigaysa inuu hoggaamiyo laba ka mid ah hay’adaha waaweyn ee Waaxda Caddaaladda, arrin aan caadi ahayn oo dhalinaysa su’aalo ku saabsan mustaqbalka hay’adda oo marar badan ay dhaliileen xisbiyada garabka midig.

Mas’uulkan ka tirsan Waaxda Caddaaladda ayaa arrintan ka hadlay isaga oo codsaday in aan la magac dhabin, maadaama arrinta aan weli si rasmi ah loo shaacin. Mas’uuliyiinta Aqalka Cad kama aysan jawaabin codsi loo diray xalay si ay arrintan uga jawaabaan.

Patel waxaa Jimcihii loo dhaariyey inuu noqdo agaasimaha FBI-da kaddib markii Aqalka Senateku uu ansixiyey, inkasta oo ay jiraan walaacyo ay muujiyeen xildhibaannada Dimuqraaddiga oo ka cabsi qaba qorshihiisa sida weyn wax looga beddelayo qaab-dhismeedka FBI-da.

ATF waa hay’ad madax-bannaan oo leh ku dhawaad 5,500 oo shaqaale ah, waxaana ay mas’uul ka tahay fulinta sharciyada dalka ee la xiriira hubka, qaraxyada iyo gubista. Waxay sidoo kale u xilsaaran tahay shati siinta ganacsatada hubka, raadinta hubka loo adeegsado dambiyada, iyo faahfaahinta xogta la xiriirta baaritaanada la xiriira rasaasta.

Wararkan ayaa imanaya maalmo kadib markii Xeer Ilaaliyaha Guud, Pam Bondi, ay shaqada ka eriday qareenka ugu sarreeya ee hay’adda ATF. Bondi ayaa Jimcihii u sheegtay Fox News in ay shaqada ka eriday Pamela Hicks, madaxa qareennada ATF, sababtoo ah hay’addu "waxay bartilmaameedsanaysay milkiilayaasha hubka." Hicks oo Waaxda Caddaaladda la shaqeyneysay in ka badan 20 sano, ayaa baraha bulshada ku sheegtay in hoggaaminta xafiiska dhinaca sharciga ee ATF ay iyada u ahayd "Sharaf weyn."

Dadka ka soo horjeedaa waxay muddo dheer dhaliil u jeedinayeen hay’adda ATF, iyagoo ku eedeynaya kaalinteeda ku aaddan xakamaynta hubka, waxayna xitaa soo jeediyeen in la baabi’iyo hay’addaas. Xukuumaddii Biden ayaa sameysay sharciyo cusub oo lagu xakameynayo "hubka qarsoodiga ah" (ghost guns) iyo in la adkeeyo hubka lagu iibiyo meelaha ka baxsan dukaamada caadiga ah, sida bandhigyada hubka.

Wareegto uu bishan horaanteedii saxiixay Madaxweyne Donald Trump ayuu Xeer Ilaaliyaha Guud ku amray in uu dib u eegis lagu sameeyo dhammaan tallaabooyinkii maamulka Biden ee la xiriiray hubka si loo qiimeeyo "xadgudubyada lagu hayo xuquuqda Dastuuriga ah ee muwaadiniinta."

Ururada u dooda xakameynta hubka ayaa walaac ka muujiyay in Patel loo dhiibo FBI-da, iyadoo kooxda xakameynta hubka ee Brady ay ku tilmaantay "xagjir u ololeeya xuquuqda hubka." Dhanka kale, kooxda Gun Owners of America, oo u doodda xuquuqda dadka hubka haysta ayaa waxay ku sheegtay magacaabistiisa mid guul weyn u ah "milkiilayaasha hubka iyo kuwa u ololeeya xuquuqaha dastuuriga ah ee dalka oo dhan."

Madal

XS
SM
MD
LG