Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sudan: RSF oo lagu eedeeyay dilka boqollaal qof


Sudan
Sudan

Weeraro ay qaadeen xoogagga RSF ee Suudaan ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay boqolaal qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan carruur yaryar, gobolka Naylka Cad, sida ay sheegeen saraakiil Suudaan ah iyo kooxaha xuquuqda aadanaha.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in kooxaha hubeysan ay si gaar ah u beegsadeen dad rayid ah dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, tuulooyin ku yaalla deegaanka Al-Gitaina, ka dib markii ay ka naxeen jabkii ba’anaa ee ay kala kulmeen ciidamada Suudaan.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in tirada dhimashadu ay marayso 433, halka guddiga horudhaca ah ee ururka dhaqaatiirta Suudaan ay tiradaas ku sheegeen 300.

Koox u dooda xuquuqda aadanaha ayaa bayaan ay soo saartay Talaadadii ku sheegtay in in ka badan 200 oo qof, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, lagu dilay weerarrada RSF, halka boqolaal kalena lagu dhaawacay saddexdii maalmood ee la soo dhaafay.

Weerarada oo ay ka mid ahaayeen dil, afduub, dhac, iyo toogasho lala beegsaday kuwa isku dayayay inay baxsadaan ayaa lagu tilmaamay kuwo argagax lahaa.

Wasiirka Dhaqanka iyo Warfaafinta, Khaalid Cali Caleesir, ayaa bartiisa Facebook-ga ku sheegay in weerarradii ugu dambeeyay ee RSF ay ka fuliyeen tuulooyinka Al-Kadaris iyo Al-Khalwat ee gobolka Naylka Cad ay yihiin kuwii ugu dambeeyay ee gacan-ka-hadal qorsheysan oo ka dhan ah dadka rayidka ah ee aan isdifaaci karin.

Madal

XS
SM
MD
LG