Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo ilaa Sabtida u qabtay in lagu sii daayo la-haystayaasha Israel


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii shalay sheegay in haddii aan la soo deynin la-haystayaasha Israa’iil ee lagu hayo Gaza duhurnimada Sabtida soo socota, uu soo jeedinayo in la baabi’iyo heshiiska xabbad-joojinta ee Israa’iil iyo Xamaas.

Trump wuxuu sheegay in haddii taasi la yeeli waayo, ay dhici doonto cadaab daran, isaga oo intaasi raaciyay in go’aanka ugu dambeeya ay leedahay Israa’iil.

“Haddii aysan halkaan joogi, dhammaan cadaabta ayaa la fasixi doonaa,” ayuu yiri Trump.

Mar la weydiiyay in Mareykanka uu ka qaybqaadan doono si loogu jawaabo Xamaas haddii aysan soo deyn la haystayaasha, ayuu Trump yiri, “Xamaas way ogaan doontaa waxa aan ula jeedo.”

Hadalka adag ee kasoo baxay Trump ayaa yimid saacado kaddib markii ay Xamaas shaacisay shalay in ay dib u dhigayso sii deynta la-haystayaasha gacantooda ku haray.

Xamaas ayaa ku eedeysay Israa’iil in ay jebisay heshiiska xabbad-joojinta ee saddex toddobaad jirsaday, gaar ahaan in ay Falastiiniyiinta u diidday dib ugu laabashada qaybo ka mid ah waqooyiga Gaza iyo in ay toogasho iyo duqeyn u geysatay Falastiiniyiinta Gaza.

Ma jiro wax war ah oo arrintan ku saabsan oo weli kasoo baxay Xamaas.

Madal

XS
SM
MD
LG