Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay tahay arrinta dhibka ku haysay Soomaalida Kenya ee uu meesha ka saarayo Madaxweyne Ruto? Wareysi


Madaxweynaha Kenya, William Ruto, oo toddobaadkan booqasho ku maraya gobolka Waqooyi Bari ayaa ku dhawaaqay in la baabi’inayo habraacii hore ee hubinta (vetting) ee lagu sameyn jiray qowmiyado gaar ah, oo ay ku jirto bulshada Soomaaliyeed, marka ay codsanayaan kaararka aqqoonsiga qaranka.

Tallaabadan ayaa la filayaa inay fududeyso nidaamka codsiga kaararka aqqoonsiga qaranka iyo in la xoojiyo sinnaanta muwaadiniinta Kenya, wuxuuna nidaamkan cusub dhaqan-gali doonaa bisha May ee sanadkan 2025-ka.

Haddaba, sida Soomalida Kenya u soo dhoweeyeen tallaabadan uu qaaday Madaxweyne Ruto iyo dhibaatooyinka dadku ku qabeen arintaan ayaa wariyaha VOA ee Nairobi Intisaar Saalax Xuseen ay ka wareysatay Cabdullaahi Cabdi Sheekh oo ka faallooda arrimaha siyaadda ahna Madaxa Brightview International oo ah hay’ad cilmibaaris iyo warbaahineed oo fadhigeedu yahay Nairobi.

Halkan ka dhageyso falanqeynta go'aanka Ruto
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:05 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG