Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo soo jeediyay in Mareykanka uu la wareego Gaza


Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Talaadadii soo jeediyay in Mareykanku "la wareego" marinka Gaza, isla markaana shacabka Gaza dib loo dajiyo meel ka baxsan marinka.

Trump ayaa hadalkan jeediyay xilli uu Aqalka Cad ku martigeliyay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, oo noqday hoggaamiyihii ajnabiga ahaa ee ugu horreeyay ee uu Trump ku casuumo Washington tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay xafiiska muddo xileedkiisa labaad.

Trump ayaa sidoo kale laba jibaaray baaqiisii ahaa in Falastiiniyiintu ay ka guuraan dhulka uu dagaalku ka socdo, una gudbaan dalalka Bariga Dhexe, sida Masar iyo Urdun, inkastoo Falastiiniyiinta iyo labada waddanba ay si cad u diideen soo jeedintiisa.

“Waxay ila tahay inay helaan dhul wanaagsan, cusub oo qurux badan. Waxaan heli doonnaa dad lacago ku bixiya si loo dhiso, loo qurxiyo, loogana dhigo meel la dego oo leh guryo,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaasha.

Mar uu ka hadlayay duminta Gaza, ayuu yiri: “Waqtigaan la joogo, ma haystaan ikhtiyaar kale. Maxay sameyn doonaan? Waxay ku laaban doonaan Gaza, laakiin waa tee Gaza? Ma jiro wax dhisme ah oo halkaa ka taagan,” ayuu yiri.

Trump wuxuu sheegay in Mareykanku uu ka takhalusi doono bambooyinka aan weli qarxin, simi doono goobaha burbursan, dhaqaajin doono dhismayaasha dumay, isla markaana abuuri doono horumar dhaqaale oo siin doona shaqooyin iyo guryo aan xadidnayn dadka deegaanka.

Trump ayaa arrintan markii ugu horreysay soo jeediyay bishii Janaayo, isaga oo sheegay inuu doonayo in Jordan iyo Masar ay qaataan barakacayaal badan oo Falastiiniyiin ah, taasoo qayb ka ah dadaalka lagu "nadiifinayo" Gaza.

Hase yeeshee, Masar, Urdun, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Qatar, Maamulka Falastiin iyo Jaamacadda Carabta ayaa si wadajir ah horraantii bishan u soo saaray bayaan ay ku diidan yihiin qorshe kasta oo Falastiiniyiinta looga raro dhulkooda Gaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto.

Madal

XS
SM
MD
LG