Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa goor dambe oo habeenkii Jimcaha ahaa cod ku ansixiyay Pete Hegseth, oo uu Madaxweyne Donald Trump u magacaabay Xoghayaha Gaashaandhigga, waxaana uu helay codad dhan 51-50.
Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka J.D. Vance ayaa codka go’aaminta ah dhiibtay ka dib markii boqolka xubnood ee Golaha Senate-ka ay ku kala codeeyeen 50 ansixisay iyo 50 diiday. Waa markii labaad ee taariikhda Mareykanka ee Madaxweyne ku-xigeenka, oo sidoo kale ah madaxweynaha Senate-ka, uu codkiisa ku meelmariyo ansixinta qof xil loo magacaabay.
Codbixinta ayaa timid ka dib maalmo uu Senate-ku ka doodayay in Hegseth uu u qalmo dowrka rayidka ee ugu sarreeya millatariga Mareykanka, isagoo maamulaya ciidamada qaranka.
Markii uu hortagay golaha horraantii bishaan, Hegseth waxa uu u sheegay sharci-dajiyayaasha in uu dib u soo celin doono isla-xisaabtanka ciidamada qaranka.
Hegseth waxa uu noqonayaa wasiirkii ugu horreeyay ee gaashaandhiga oo ka mid ahaa saraakiisha darajada hooseeya ee ka dagaallamay jiidda hore ee dagaalka, iyo wasiirkii ugu horreeyay ee jiilkii ka qeybgalay dagaalladii Mareykanka ka dib weerarkii 9/11.
Dimuqraadiyiinta Senate-ka ayaa sheegay in waayo-aragnimada Hegseth ee maamulista laba urur oo aan macaash doon ahayn oo taageera ciidamada howlgabka ah ee Mareykanka, ururadaasi oo ay ka shaqeeyaan wax ka yar 100 shaqaale, aysan ahayn waayo-aragnimo ku filan oo lagu maamulo Wasaaradda ballaaran ee Gaashaandhigga Mareykanka.
Wasaaradda Difaaca waxaa hoostaga in ka badan 3 milyan oo xubnood oo ka tirsan ciidamada iyadoo leh miisaaniyad dhan $857 bilyan.
Madal