Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xubno ka tirsan Qoyska Reer Asad ee Suuriya oo gaaray Dubai


Rifaat Al Assad
Rifaat Al Assad

DUBAI— Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha amniga ee Lubnaan ayaa sheegay in Rifaat Al-Assad, oo ah adeerka madaxweynihii hore ee Suuriya Bashar Al-Assad, uu dhowaan Beirut ka dhoofay uuna tegay Dubai.

Mas’uuliyiinta waxay sidoo kale sheegeen in xubno badan oo qoyska Al-Assad ka tirsan ay Beirut uga guureen Dubai, halka qaar kalena ay weli ku sugan yihiin Lubnaan tan iyo markii xilka laga tuuray Bashar Al-Assad 8-dii Diseembar.

Mas’uuliyiinta Lubnaan waxay xaqiijiyeen in aysan jirin dalab rasmi ah oo ka yimid Interpol oo ku saabsan xiritaanka Rifaat Al-Assad, inkastoo uu wajahayo eedaymo culus oo la xiriira dambiyo dagaal iyo xasuuqii Hama ee 1982.

Rifaat Al-Assad wuxuu ku jiraa sagaashanaadkii noloshiisa, waxaana lagu eedeeyaa inuu amray dilka tobanaan kun oo qof intii uu hogaaminayey hawlgalladii Hama.

Madal

XS
SM
MD
LG