Israa’iil iyo Xizbullah ayaa Talaadadi shalay gaaray heshiis xabbad joojin ah oo dhaqan-galaya maanta oo Arbacada ah, sidaasi waxaa xaqiijiyay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.
Heshiiskan oo ay dhex-dhexaadiyeen dowladaha Mareykanka iyo Faransiiska, ayaa waddada u xaaraya dhammaadka colaaddi ka gaagneyd xadka Israa’iil iyo Lubnan, taas oo gallaafatay nolosha kumannaan qof oo u badan Lubaniis, tan iyo sannadki hore.
Biden ayaa hadalkan kaga dhawaaqay xafiiskiisa Aqalka Cad wax yar kaddib marki ay golaha wasiirrada Israa’iil dhankooda ka ansixiyeen xabbad-joojinta.
Wuxuu sheegay in uu la hadlay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Ra’iisul Wasaaraha Lubnan Najiib Miiqaati.
Sida heshiiska ku cad, dagaalka ayaa dhamaaday saakay afarti subaxnimo ee xilliga Bariga Dhexe.
Madaxweyne Biden ayaa sheegay, in Israa'iil ay si tartiib tartiib ah ula bixi doonto ciidamadeeda muddo 60 maalmood ah iyadoo ciidamada Lubnaan ay la wareegayaan dhulka u dhow xadka ay la wadaagaan Israa'iil si loo hubiyo buu yiri in Xizbullah aysan dib u dhisin kaabayaasheeda aaggaasi.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo ka hadlay heshiiska ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ku sheegay, in heshiiska uu ku yimid dadaallo muddo bilo ah socday oo ay wadeen madaxda Isra’il iyo Lubnan oo kaashanaya Mareykanka.
Madal