Isku xirrada

War Deg-Deg ah

In ka badan 10 qof oo Sabtidii lagu dilay Gaza


Saraakiisha caafimaadka Falastiin ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay Sabtidi shalay duqeymo cirka ah ku dileen ugu yaraan 10 Falastiiniyiin ah, isla markaana ay dhaawaceen 20 kale gudaha Iskuul ay ku noolaayeen dad barakac ah oo ku taala Gaza.

Saraakiishu waxay sheegeen, in iskuulka ay Qaramada Midoobay maamusho ee Abu Assiic laga wado howlo gurmad ah oo looga soo daad gureynayo dadka ku hoos jira burburka hoostiisa.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Israa’iil oo ku saabsan dadka rayidka ah ee halkaasi lagu laayay.

Laakin milatariga Israa’iil waxay sheegeen in laba madfac oo laga soo tuuray waqooyiga Gaza lagu burburiyay hawada Israa’iil. Taasi ayaa muujineysa, awoodda ay wali kooxaha dagaalyahanada Falastiiniyiinta ee Gaza ay u leeyihiin in ay madaafiic ku tuuraan Israa’iil, kaddib 13 bil oo ay dagaallo xoog leh ka socdaan Gaza.

Dagaalka Gaza ayaa barakiciyay inka badan 2 milyan oo ruux, halka lagu dilay in ka badan 43 kun oo Falastiinyiin ah.

Madal

XS
SM
MD
LG