Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa Arbacadi madaafiic ku garaacay magaala xeebeedka Suur ee galbeedka dalka Lubnan, halka Xizbullah ay sheegtay in ay madaafiic ku garaacday magaalada Tel Aviv.
Wakaaladda wararka Lubnaan ee NNA ayaa ku warrantay in duqeyn kale oo ay ciidamada Israel ku beegsadeen magaalada Macrakah lagu dilay saddex qof. Dhinaca magaalada Suur wali lama soo sheegin khasaaraha rayidka.
Xizbullah ayaa dhankeeda sheegtay in ay gantaallo dhowr ah ku ridday Israel, kuwaas oo ay ku jireen laba madfac oo sababay in seeriga digniinta madaafiicda laga dhawaajiyo magaalada Tel Aviv.
Israel waxay sheegtay in afar madfac oo soo galay hawada Israel ay laba ka mid ahi uga hortageen hubka difaaca cirka, mid ka kalana uu ku dhacay dhul furan. Ma aysan sheegin khasaaro dhimasho ama dhaawac ah oo ka dhashay gantaallada ku dhacay Israel.
Tel Aviv ayaa waxaa ku suganaa xalay xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken oo booqashadiisii 11-aad ku jooga halkaas, tan iyo 7-badi October ee sannadki hore, markaas oo billaabatay colaaddan lagu hoobtay ee hadda ka socota Bariga Dhexe.
Dhanka kale, Xizbullah ayaa Arbacadi xaqiijisay, in Israel ay duqeyn ku dishay Hashim Seyfuddiin, oo aad loo filyay in uu noqon lahaa ninki baddali lahaa hogaamiyihi hore ee Xizbullah, Xasan Nasrallah, kaas oo ay Israel khaarijisay dhawaan.
Beirut —
Madal