Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aqalka Hoose ee Kenya oo u codeeyey xil ka-qaadista madaxweyne ku-xigeenka

Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Kenya
Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Kenya

Xildhibaanada baarlamaanka Kenya ayaa shalay ansixiyay mooshin xilka looga xayuubinayo madaxweyne ku xigeenka Kenya, kaddib doodo maalmo socday.

Rigathi Gachagua, madaxwyne ku xigeenka Kenya ayaa ka soo muuqday baarlamaanka si uu isaga difaaco eedo dhowr ah oo loo heysto oo ay ka mid yihiin, inuu taageeray dibadbaxyadii dowladda looga soo horjeeday ee bishii June.

281-ka xubnood ee Baarlamanka Kenya ayaa ogolaatay mowshinka xil ka qaadista. Si xilka looga xayuubiyo madaxweyne ku xigeenka ,waxuu baarlamanka u baahanyahay 44 cod.

Mooshinkan ayaa hadda u gudbay aqalka sare ee baarlamaanka, iyagoo ka doodi doona arrintan, sidoo kalena cod loo qaadi doono.

Ma cadda goorta ay codbixintu noqon doonto kama dambeys. Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu ku lug leeyahay musuq maasuq iyo wax isdaba marin, Inkastoo uu eedahaasi iska fogeeyay.

Madal

XS
SM
MD
LG