Barasaabka gobolka Minnesota Tim Walz oo Dimoqraadi ah iyo Senator-ka gobolka Ohio, JD Vance oo Jamhuuri ah, isla markaana ah murashaxiinta xilka madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, ayaa xalay dood kulul ku yeeshay magaalada New York.
Labadan nin oo yeeshay dood socotay qaddar 90 daqiiqo ah ayaa isku dayay inay soo jiitaan codbixiyeyaasha Mareykanka, iyadoo bil iyo 3 maalin ay ka harsan tahay doorashada madaxtinimada ee dalkan looga dareerayo bisha November.
Dooddan ayaa aheyd tan kaliya ee dhex mareysa inta uu socdo ololaha u dhexeeya Walz iyo Vance, ayaa waxaa daawaday wariyaha VOA-da Nuur Hassan, kaddibna la xiriiray si ay u falanqeeyaan, Xaashi Shaafi oo madax ka ah hay’adda Somali Action Alliance, kana tirsan taageerayaasha xisbiga Dimuquraadiga iyo Feysal Deri oo ah xubin ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, sidoo kalana ka foollooda siyaasadda Mareykanka.
Madal