Saraakiisha dowladda Nigeria ayaa sheegay in laga cabsi qabo in ugu yaraan 64 oo qof ay ku hafteen wabiga gobolka Zamfara ee waqooyi-galbeed ee dalka Nigeria, kaddib marki ay qallibantay dooni ay la socdeen.
Doon la sameysneyd alwaax oo ay la socdeen ilaa 70 qof oo beeralley ah ayay wararku sheegayaan in ay ku gaddoontay meel u dhaw degmada Gummi aroornimadi hore ee Sabtidi shalay, xilli ay rakaabka saarnaa isku dayayeen in ay gaaraan beerahooda oo ku yaalla daanta kale ee wabiga.
Dad u badnaa kuwa deegaanka oo is abaabulay ayaa isku dayay in ay soo badbaadiyaan, balse saacado kaddib dib uga soo laabtay biyaha kaddib marki ay soo badbaadiyeen lix ka mid ah 70-ka qof.
Aminu Nuhu Falale oo ka mid ah maamulka dowladda hoose ee degmada Gummi ayaa sheegay, in tani ay tahay dhacdadi labaad oo deegaanka ka dhaceyso. Wuxuu kaloo sheegay, in maalintiiba ay wabiga isaga tallaabaan in ka badan 900 oo beeralleey ah.
Madal