Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Falanqeyn ku saabsan dooddii Trump iyo Harris


Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris oo ah murashaxa xisbiga dimoqraadiga iyo Madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump oo ah murashaxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtinimada bisha 5-ta bisha November, ayaa xalay isga hor yimid dooddi igu horreysay oo ay abid yeesheen labadan murashax.

Doodda oo socotay 90 daqiiqo isla markaana soo gaba gabowday goor dhaweyd ayaa ka dhacday xarunta Machadka Qaran ee Dastuurka ee magaalada Philadelphia, waxana marti-geliyay TV-ga ABC.

Haddaba, nuxurka qodobad ay ka doodeen ayuu Nur Xasan Nur ka wareystay, Ismaciil Maxamed oo ah mudane ka tirsan Golaha Sharci-dajinta ee Gobolka Ohio lagana soo doorto degmada saddexaad isla markaana ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga. Iyo Shaafi Axmed Shafat oo ah murashax ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee gobolka Ohio. Labaduba waxay ku nool yihiin magaalada Columbus. Waxaa ku hormaraya Shafi.

Falanqeyn ku saabsan dooddii Trump iyo Harris
please wait

No media source currently available

0:00 0:09:29 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG