Waxaa magaalada Godey ee caasimada labaad ee dawladda deegaanka Soomaalida ka furmay bandhigga buugaagta oo la qabanayo markii 1-aad.
Waxaa bandhiggan lagu casuumay oo ka soo qaybgalay aqqoonyahanno, qoreyaal, abwaano iyo dad magac leh oo ka kala yimid deegaannada Soomaalida. Bandhiggan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa lagu soo bandhigi doonaa buugaag kala duwan iyo dood cilmiyeedyo lagu horumarinayo wax akhriska.
Warkan waxaa magaalada Jigjiga ka soo diray wariyaha VOA, Maxamed Cabdiraxmaan Ugaas Gaataa.
Madal