Musharaxa madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga Jamhuuriga ee dalkan Maraykanka JD Vance ayaa sheegay in isaga iyo D. Trump ayna joojin doonin sharciga federaaliga ah ee la xiriira ilma-iska-soo rididda hadii ay xilka madaxtinimo ku guuleystaan.
Dhinaca kale, Kamala Harris iyo Tim Walz oo dhinaca Dimoqraadiga ka socda ayaa sii wada fariintooda la xiriirta xuquuqda taranka, isla markaana shaaca ka qaaday deeq lacageed oo aad u badan oo ololahooda doorashada loogu deeqay.
Wariyaha VOAda Veronica Balderas Iglesias ayaa warbixintan diyaarisay, Maxamed Cabdi Sandhere ayaa soo jeedinaya.
Madal