Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa gelinkii danbe ee Jimcihii shalay khadka telefoonka kula hadlay hogaamiyayaasha Qatar iyo Masar, si uu u riixo heshiis xabbad-joojin ah oo ka dhaqan gala Gaza iyo in lasii daayo la heystayaasha Israa’iiliyiinta ee gacanta ugu jira Xamas.
War kasoo baxay Aqalk Cad ayaa lagu sheegay, in madaxweyne Biden uu si kala gooni ah uu telefoonka kula hadlay Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani, iyo Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi, isla markaana uu kala hadlay "dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu rabo in lagu dhameystiro wadahadallada hehsiiska xabbad-joojinta iyo sii deynta la heystayaasha. "
Xiriirka Biden ee madaxda Masar iyo Qatar ayaa ku soo beegmay, xilli Jimcihi shalay ay magaalada Qahira dib looga sii amba-qaaday wadahadallada lagu riixayo xabbad-joojinta Gaza.
Afhayeenka amniga Qaranka ee madaxweyne Biden John Kirby ayaa weriyayaasha u sheegay, in wadahadalladu sii socdeen shalay, isla markaana Mareykanka ay ku metelayaan Agaasimaha CIA-da Bill Burns iyo Ergayga Mareykanka ee Bariga Dhexe Brett McGurk.
Wadahadallada ayaa waxaa ka qeybgalay ergooyin ka kala socday Mareykanka, Masar, Qatar iyo Isra’il. Waxaase wali ka maqan eragada mataleysa Xamaas.
Madal