Shirweynaha xisbiga Dimoqraadiga ayaa ka socda magaalada Chicago, waxaana xalay soo dhamaaday habeenkii labaad ee shirka, taas oo ahayd habeen aad u xamaasad badnayd, ka dib markii ay fagaaraha ka soo muuqdeen madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama iyo xaaskiisa Michelle, kuwaas oo taageero u muujinayey, sidii ay Kamala Harris iyo Tim Walz ay ugu guulaysan lahaayeen kursiga madaxtinimada ee Maraykanka.
Shirka ayaa isugu jiray khudbado, caleemo saar iyo madadaalo, waxaana qaybtii hore ee shirka ay ergada ka socotay gobollada Maraykanku ay si rasmi ah u shaaciyeen inay Kamala Harris u doorteen inay noqoto musharaxa xisbiga Dimoqraadiga ee jagada madaxweynaha, halka Tim Walz ay isna u xusheen madaxweyne ku xigeenka xisbigooda.
Codaynta iyo khudbadaha shirka, waxaa hareer socday oo hadba dhextaal u ahayd madadaalo iyo heeso kala duwan oo ay qaadayeen, shakhsiyaadka ugu caansan dhinac fanka ee Maraykanka.
Gobol kasta oo Maraykanka ahi wuxuu leeyahay codad u gaar ah, waxaana caadiyan codadkaasi halka ay raacayaan shirka kaga dhawaaqa badhasaabada gobollada, ama guddoonka xisbiga ee gobolkaas hase ahaatee sannadkan waxaa la arkayey in gobollada qaarkood, marka ay soo gaadho xilliga ay tahay inay codadkooda sheegaan ay fursad siinayeen xubno kale oo weftigooda ka mida, si ay uga hadlaan qodobo xasaasi ah.
Inkasta oo khudbado kala duwan la jeediyey, haddana kuwa ugu xiisaha badnaa ayaa ahaa, khudbaddii ay jeediyeen madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama iyo xaaskiisa Michelle Obama, taas oo ahayd mid ruxday qalbiyada dadkii daawanayey.
Michelle Obama ayaa sheegtay in madaxweynihii hore ee Trump "uu muddo sannado ah, uu sameeyey wax kasta oo uu samayn karo, si uu isugu dayo in dadku ay naga cabsoodaan." Waxay intaas ku dartay "in aragti gaabnaantiisa uu dunida ka qabo, inay ku kelliftay inuu qoyskooda oo ah kuwo hawlkar ah, inuu ka cabsoodo"
Obama ayaa markiiba weeraray madaxweynihi isaga uga danbeeyay Aqalka Cad, inkasta oo uusan magac dhabin isla markaana yiri:
"Uma baahnin afar sano oo kale oo qallafsanaan, qas iyo qalaanqal ah. Filimkaas horay ayaan u daawannay, waxanana ognahay in taxanuhu uu kasii darnaan doono intaasi,"
Obama ayaa intaasi raaciayay "Ameerica waxay diyaar u tahay cutub cusub. Ameerika waxay diyaar u tahay sheeko wanaagsan. Waxaan diyaar u nahay madaxweyne Kamala Harris."
Wuxuu khudbaddiisa ku ammaanay madaxweynaha xilka kasii dagayo, Joe Biden oo sidoo kale ahaa madaxweyne ku xigeenkiisii 8-di sano ee Obama.
"Taariikhdu waxay ku xasuusan doontaa Joe Biden inuu ahaa madaxweyne difaacay dimoqraadiyadda waqti ay khatar weyn ku jirtay, waan ku faanayaa inaan ugu yeero madaxweynahayga, laakiin xitaa waxaan ku faanayaa inaan ugu yeero saaxiibkay," Obama ayaa intaasi kaddib masraxa ku soo dhaweeyay xaaskiisa Michelle, oo iyaduna jeedisay khudbad fadhiga ka kicisay ergooyinka dimoqraadiga ee shirka ka qeybgalaya.
Madal