CHICAGO - Mudaharaaddo xooggan oo lagu taageerayo Falastiin ayaa ka socda agagaarka goobta uu ka dhacayo shirweynaha xisbiga Dimoqraadiga ee magaalada Chicago. Boqollaal mudaharaadayaal ah ayaa sidoo kale gaadhay agagaarka qunsuliyadda ay Israa'iil ku leedahay magaalada Chicago, waxaana isku dhacay ciidamada booliska iyo mudaharaadayaasha.
Ka dib markii kulankii weynaa ee mudaharaadayaashu ay kala dareereen, una qaybsameen kooxo yaryar, waxaa bilaabmay inay isku dhacaan ciidamada booliska, taasoo sababtay in tobanaan ka mida debedbaxayaasha la xidhxidho. Saraakiisha booliska ayaa isu soo baxan ugu yeedhay inuu yahay mid sharci darro ah.
Fiidnimadii hore, waxaa la arkayey, ciidamada booliska oo sita ulo, kuwaas oo u dhaqaaqaya dhinaca debedbaxayaasha, iyaga oo doonaya inay ka hor istaagaan inay socod sameeyaan.
Ciidamada booliska ayaa xidhay inta badan waddooyinka soo gala goobaha muhiimka ah, sida goobta shirku ka socdo oo kale.
Qunsuliyadda Israa'iil ee ku taalla magaalada Chicago ayaa xuddun u ahayd, tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Qaza, mudaharaado isasoo tarayey, kuwaas oo shacabka samaynayey debedbaxyadu ay ku muujinayeen sida ay uga xunyahay dagaalka Qaza.
Madal