Orod yahanka reer Jabuuti Xuseen Axmed Salax oo ku magac dheer Axmed Salah kana fariistay orodka, ayaa ah orodyahankii ugu horeeyey ee reer Jabuuti ee ciyaaraha ka gaaray heer caalami.
Orodyahankan ayaa magac weyn ku yeeshay koobkii orodka ee lagu qabtay magalada taariikhiga ah ee Heroshima ee dalka Japan sannadkii 1985-kii isaga oo galay kaalinta koowaad, sidoo kale orodkii New York ee sannadkii 1988-kiina wuxuu helay billadda qalinka.
Orodyahankan ayaa ciyaaraha fudud ka soo galay dhinaca ciidamada milateriga, ka hor intii aan caalamka laga joojin arrintani.
Haddaba weriyaha VOA Sagal Siciid Faarax ayuu uga waramay waayihiisii tartannada orodada iyo sheekooyinkale oo xiiso badan.
Madal