Xalay waxaa magaalada Chicago ee gobolka Illinois ka furmay, Shirweynaha Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka. Shirkan oo socon doono afar maalin, ayaa lagu wadaa in gaba-gabadiisa uu xisbiga Dimoqraadiga si rasmi ah ugu dhawaaqo in Kamala Harris ay tahay murashaxa ku matali doona doorashada madaxtinimada Mareykanka ee bisha November.
Haddaba, sida uu shirka ku billowday, dadkii ka hadlay iyo waxa laga filayo ayaan goor dhaweyd ka wareysta, Maxmuud Muuse Xasan oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida ee gobolka Minnesota, sidoo kalena kamid ergada xisbiga dimoqraadiga ee shirka ka qeybgaleysa.
Madal