Shirweynaha Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka ayaa Isniinti shalay si rasmi ah uga furmay magaalada Chicago, halkaas oo ay ku suganyihiin kumannaan isugu jirta madaxda xilligaan ee Mareykanka, madaxweyne hore iyo kumannaan ka mid ah ergooyinka xisbiga.
Shirka oo lasoo gaba gabeyn doona Khamiista ayay Dimoqraadiyiintu ku xoojin doonaan taageerada Kamala Harris ee tartanka madaxtinimada Mareykanka ee bisha November ee sannadkaan.
Hase yeeshee, shirweynaha ayaa waxaa durbaba hareeyay kumannaan qof oo dibad-baxayaal ah oo taageersan xorriyadda Falastiin iyo xabbad-joojin ka dhaqan gasha Gaza.
Mudaaharaadayaasha ayaa ka soo horjeeda taageerada maamulka madaxweyne Biden ee duullaanka ay Isra’il ku qaadday Gaza, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 40 kun oo Falastiiniyiin ah.
Booliska magaalada Chicago ayaa si weyn u sugaya ammaanka, iyaga oo ka hortagay qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo isku dayay in ay ka gudbaan deyrka lagu xiray xarunta uu ka socdo shirweyana, in kasta oo inta badan mudaaharaadku yahay mid nabad ah.
Madal