Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Isra'il oo mar kale weerartay Khan Younis


Falastininyiin ka qaxaya Khan Younis
Falastininyiin ka qaxaya Khan Younis

Xilli dowladaha Mareykanka, Qatar iyo Masar ay soo cusbooneysiiyay rajada ah in dib loo billaabo wadahadallada loogu kala dab qaadayo Isra’il iyo Xamas si xabbad joojin looga gaaro dagaalka Gaza, ayay ciidamada Isra’il Jimcihi weerar kale ku qaadeen magaalada Khan Younis ee koofurta Marinka Gaza.

Millatariga Isra’il ayaa weerarkaasi ku sheegay mid ay aaggaasi kaga sifeynayaan dagaalyahannada Xamas oo ay sheegeen in ay wali halkaasi ka howlgalaan, inkasta oo ay Isra’il horay u sheegtay in ay halkaasi ka baabi’iyeen.

Weearka cusub ee ciidanka Isra’il ee Khan Younis ayaa sababay in qoysas badan ay mar kale ka barakacaan, in ka yar laba todobaad kaddib marki ay halkaasi dib ugu laabteen, kaddib weerarki ay ciidamada Isra’il Khan Younis ku ekeeyeen bishi July.

Khan Younis oo ka mid ah meelaha ay sida daran u burburriyeen Isra’il ayaa lagu tilmaamaa magaalooyinka ugu dadka badan Marinka Gaza, marar kala duwan ayayna Isra’iiliyiintu weerareen ama duqeymo culus ku bartilmaameedsadeen.

Mowjado duqeymo cirka ah oo ay ciidmada Isra’il ku bartilmaameedsadeen koofurtya Gaza Jimcihi, ayay ilaha caafimaadka ee isbitaalka Naasir xaqiijiyeen in lagu dilay ilaa 21 Falastiiniyiin ah. Duqeymo kale oo ay ciidamada Isra’il ka geysteen bartamaha Gaza ayay saraakiisha caafimaadka Isbitaalka Al Aqsa sheegeen in lagu dilay sideed Falastiiniyiin ah oo dhammaantood ahaa dumar iyo carruur.

Dadka la dilay ayay madaafiicdu ugu tageen xeryaha qaxootiga Nuseyraat iyo Daral Balax.

Duqeymahan ayaa imanaya xilli ay aad u kacsantahay xiisadda bariga dhexe, kaddib dilki hogaamiyihi Xamas, Ismacil Haniye loogu geystay Tehran, iyo taliyihi garabka milatariga Xisbulah ee Lubnaan. Iran iyo kooxaha hubeysan ee ay taageerto ayaa wacad ku maray in ay weerari doonaan Isra’il.

Madal

XS
SM
MD
LG