Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nin Pakistani ah oo loo haysto inuu shirqoolayey madax sare oo Maraykan ah


Political Assassinations Plot
Political Assassinations Plot

WASHINGTON - Nin Pakistani ah oo lagu eedaynayo inuu xidhiidh la leeyahay dalka Iran ayaa loo haystaa inuu maleegayey qorshe la doonayey in lagu khaarajiyo madax sare oo Maraykan ah oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump.

Waaxda caddaaladda ee Maraykanka ayaa Salaasadii shalay soo bandhigtay eedaymo ka dhan ah Asif Mechant oo 46 jir ah, oo la sheegay inuu Maraykanka u soo saftay bishii April, isaga oo xilligaas doonayey inuu fuliyo hawlgallo kala duwan.

Hase ahaatee waxaa qorshihiisu fashilmay ka dib markii ay ka warheleen laamaha ammaanka ee Maraykanku.

Agaasimaha hay'adda dembi baadhista ee Maraykanka ee FBI Christopher Wray ayaa sheegay in qorshahani uu ahaa mid halis ah, kaas oo ninkan loo kiraystay inuu fuliyo shirqoollo lagu dilayo masuuliyiinta. Ninkan ayaa FBI-du ay ku eedaysay inuu xidhiidh soke la leeyahay dalka Iran, uuna ku shaqaynayey tilmaamohooda.

FBI-da ayaa intaas ku dartay in qorshayaasha uu dal shisheeye ku soo abaabulo in la dilo masuuliyiin maraykan ah ama muwaadiniin Maraykan ahiba ay tahay halis guud oo taabanaysa amniga qaranka.

Madal

XS
SM
MD
LG