Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israa'iil oo sheegtay inay ka jawaabayso weerar lagu dilay 12 caruur ah gudaha Israa'iil

Mourners carry coffins, during the funeral of children who were killed at a soccer pitch by a rocket Israel says was fired from Lebanon, in Majdal Shams, a Druze village in the Israeli-occupied Golan Heights, July 28, 2024.

MAJDAL SHAMS, GOLAN HEIGHTS, — Kumanaan qof ayaa Axaddii ka qayb galay aas loo sameeyey 12 caruur ah oo lagu dilay duqayn dhinaca cirka ah oo ka dhacday dhulka ay Israa'iil haysato ee ku yaalla buuraha Golah Heights. Israa'iil ayaa sheegtay inay jawaab degdeg ah ka bixinayso, weerarkan dhinaca cirka ah ee ururka Xisbullah ee ka dhisan Lubnaan.

Xisbullah ayaa iska fogaysay masuuliyadda weerarkan lagu laayey caruurta ee ka dhacay Majdal Shams.

Diyaaradaha dagaalka ayaa isla xalayba bilaabay inay duqeeyaan Koonfurta Lubnaan, iyaga oo sheegaya inay qaadayaan weeraro aargudasho ah, hase ahaatee Israa'iil ayaa intaas ku daraysa inay weli qorshaynayaan jawaab xooggan, taasoo la filayo inay bixiyaan marka uu soo dhamaado kulanka golaha amniga ee Israa'iil.

Goobtan la weeraray ayaa ku taalla buuraha ay Israa'iil ka qabsatay Syria, sannadkii 1967-kii.

Madal

XS
SM
MD
LG