Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xuutiyiinta oo mar kale gantaallo ku weeraray Israel

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay inay qabteen gantaal laga soo tuuray Yemen subaxnimadii hore ee Axaddan, saacado kaddib markii diyaaradaha dagaalka Israa’iil ay duqeeyeen dhowr bartilmaameed oo Xuuthiyiinta oo ku yaalla Jasiiradda Carabta.

Duqeymaha cirka ee Israa’iil, oo ay kaga jawaabayaan duqeymo ba’an oo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta ka geysteen magaalada Tel Aviv, ayaa ahaa markii ugu horreysay oo Israa’iil ay ka jawaabto weerarrada soo noqnoqday ee Xuutiyiinta muddada sagaalka bilood ah ee ay dagaalka kula jirtay Xamaas.

Warbixintan oo ay qortay Wakaaladda Wararka ee Associated Press waxaa noo soo koobeysa Sahra Cabdi Axmed.

Xuutiyiinta oo mar kale gantaallo ku weeraray Israel
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:55 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG