Dalkan Mareykanka waxaa wali aad loo hadal hayaa, khudbad aad u dheerayd oo uu madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump ku aqbalay murashaxnimada xisbiga Jamhuuriga Khamiistii.
Trump ayaa khudbaddiisa ku billaabay si ka dabacsan qaababkii uu horay u hadli jiray, balse marki danbe siyaasad ahaan aad u weeraray xisbiga dimoqraadiga iyo madaxweyne Joe Biden.
Dhanka kale, waxaa sii kordhacaya cadaadis ay qaar ka mid ah xubnaha xisbiga dimoqraadigu uga dalbanayaan madaxweyne Joe Biden inuu ka hadho tartanka murashaxnimada ee xisbiga.
Haddaba, wararki ugu danbeeyay ee labada dhinac ayuu Nur Hassan Nur ka wareystay, Farax Aw-Maxmuud oo falanqeeya siyaasadda Mareykanka, kuna nool hadda gobolka Minnesota.
Madal