Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu daneeyay ee xaaladda Marinka Gaza


Ugu yaraan sideed qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo ay ciidamada Isra’iil Axaddii shalay ku bartilmaameedsadeen xarun ay Qaramada Midoobay u adeegsaneysay qeybinta gargaarka bani’aadannimo ee dadka Gaza.

Goob-joogayaal iyo saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in duqeynta Isra’il lagu burburiyay dugsiga tababarka magaalada Gaza, halkaas oo ay raashinka iyo sahayda kale ee gargaarka ka qeybiso hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Falastiin ee UNRWA.

Sawir-qaade ka tirsan wakaaladda wararka Reuters ayaa ku warramay inuu arkay dhismo joog kaaban oo gabi ahaanba la burburriyay iyo meydad dhar lagu duu-duubay oo la safay waddada dhinaceeda si loo qaado.

Dhanka kale, ra’isulwasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu ayaa Axaddii sheegay in wajiga koowaad ee dagaalka ay ka wadaan Gaza uu u dhaw yahay dhammaad, laakin ka digay in aysan dagaalka jooji doonin ilaa ay Xamaas ka saarayaan Gaza.

Natanyahu oo wareysi siiyay telafishan maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ka joogo Gaza uu xooggooda u wareejin doono xadka waqooyi ee Lubnaan, halkaas oo uu sii xoogeysaneyso xiisadda u dhaxeysa Isra’il iyo Xizballah.

Madal

XS
SM
MD
LG